Bogga horre

Masawirada

Ilasooxariir


qays

Oensk velkommen til qays hjemside

Oensk velkommen til mitt sted! Hei welcom til min website jeg bruke hovedsakelig ttis sted postere mye yndlingsbilder av mine venner og familie. Jeg ha en side med mine meninger på curent begivenheter, og annen side hvor jeg anbringe anmeldelser av filmene som jeg ser og bestiller jeg leser. jeg også inkluderer en side som har noe av min egen original writingiw'll oppdatere dette stedet ofte, så sjekker sjekke tilbake. ..(maybe)..:-d

 


Horudhac

Mahad ilaa haybaaleh nabad iyo naxariis  -

Rasuulkeena muxamed ah scw dushiisa ha haato .

intaa kadib walaaleyaal  waxad halkaan siraali la

idinkagayahay uga bogan kartaan waxyaalo badan

oo, aniga igusaabsan iyo waliba familkayga

adinkoo sidookale arkidoona sawiro badan oo

qarabadayda ah --waa Qeys oo,idin leh soodhawada

          Faahfaahin

Magac :-----Qeys    Hashi  Gutale

Dhirir------- 1,83   kuqurxoon dhirirkiisa

Midab------ maarlin --midabka cadiga ah maarliinka ah

Aabaha ----Hashi   Gutale  Cismaan

Awoowe --Gutale  Cismaan   Owcali

Dhalasho-- Somali Galgaduud Banadir Mudug Hiiraan

Jinsi -------Nin

Luqad -1 Somali   Woqooyi Gobolada dhexe & koofur

Luqad -2Arabic Egpt Maqrip Saudi Sudan Irak& libiya

Luqad -3 --English --- British --. American--USR.etc

luqad -4 ---Norsk ---nye Norsk & bokmol

Xaalad ----Aan gursan -- wali aan guursani -(Doob)

Walaalo --14+2_--waxaa iladhalatay 14 +2dhimatay

Meel joogid -Norway waxan kunoolahay Norway Oslo

Aqoon_;Dugsi hoose ,      D/dhexe,     D/sare --Somalia

Aqoon;   Quraanka kariimka ah .xaafid

Jir------------dhisan--jirdhisan murqoweyne (Nacas)kkk


qaran_11@hotmail.com

WUU II SOO ISLAAMAY!

Mr. Labac-labac 

Qalanjo: Haloo, aabe iska warran?

Aabe: Aluu! Nabad Aabe sidee tihiin?

Qalanjo: Aabe waanu fiicanahaye ka warran reerihii?

Aabe: Aabe dhib ma jiro ee biilkii ma soo dirtay?

Qalanjo: Aabe biilkii ha ii joogee warbaan kuu wadaa! Aabe Abshir dheh! Waxaa I guursanaya wiil aad u wanaagsan oo hadda soo Muslimay!

Aabe: Aabe kuma maqlayo, telefoonku wuu googo’ayaa! Ee maxaa Muslim ah?

Qalanjo: Aabe waa wiilka aanu israbno ee waxaanu doonaynaa in aad wilaayadda ku soo wareejiso inaadeerkey Ahmed

Aabe: Haa! Waan gartay Aabe. Wiilku waa qoladee?

Qalanjo: Aabe waa Madow!

Aabe: Yaahoo Madow aa! Naa maxaad nagula hadlaysaa? Ma anagaad Afrikaan iyo Sawaaxili noo keeneysaa waxyahay aan akhlaaqda lahayn!

Qalanjo: Aabe sug, sug fadlan ha igu dhigin telefoonka! Khalad baad fahantaye, Aabe ninku waa Mareykanka madow!

Aabe: Yaah Mareykan aa! Waaba Khadar Illaahay keenaye. Aabe dee lacagta ka soo dhur ninka sidee wax kaa yihiin! Aabe maad sidaa I tiraahdid. Waa yahay Aabe waan soo wareejiyey wilaayadii, soona dir lacag fara badan oo aanu aroos la yaqaano kaaga dhigno Soomaaliya, ma garatay. Waanu idiin soo duceynaynaa, wax khayr qaba Illaahay ha idin kala siiyo, balaayadana ha idinka xijaabo! 

Waxay qoftaa dumar ahi noqon kartaa mid ay kala tageen nin Soomaaliyeed carruurna leh iyo mid curad ahba. Waxaa halkaa ka bilaabmaya isbarashadii wacnayd ee dahsoonayd ee kala duwanaanshaha dhaqanka, fikradaha iyo hab nololeedka. Ninkan oo markii horeba aysan Muslinimadiisu sii buurnayn ee ay ka ahayd soo xera gelinta qoftan dumarka ah ee ay niyadiisu jeclaatay ayaa la soo baxaya dabeecadihiisa rasmiga ah iyo caadooyinkiisa dhaqameed. Waxaa dhacda in marar badan lays afgaran waayo oo ereyada maldahan ee luqadu leedahay laysla fahmi waayo amaba ay gabadhu taqaano fara ka hadalka oo keliya. Markii la damcay in la weydiiyo sidii ay ruux aysan afgaranayn, dhaqan garanayn guri ugu tegeyso ayaa waxaa hadalka soo af jaray maahmaahda oranaysa “ Shan faroodle isma afgaran waayo”.

Ninkii oo careysan baa halkan ka qayliyey Hey, Pitch! Bring your black ass here! I said, get in now woman! Pitch! Naagtii oo jahwareersan oo waxay sheegto garan la’ baa ku qaylisay: “Hayaay, cod weynaa bismilaahiye, balaaya ku qaaday waakan oo waa gediisii!

Alla ba’ayeey, waa maxay imtixaankani! Hooyo muxuu leeyahay? Walaale muxuu leeyahay”. Hooyo wuxuu ku leeyahay soo gal guriga! Kaalay sariirta!, Naa wuxuu ku leeyahay wasakhyahay soo gal qolka!.

Waxay ka mid yihiin dhibaatooyinka jira ee ay keeneen isdhexgalku iyo is afgaran waagu. Waxaa dhacaysa in hooyo ay u turjumayaan carruurteedu ugana turjumayaan nin aysan af aqoon oo ay tidhi wuu iqabaa ama gabadh looga turjumayo nin ay keensatay! Waxaa anfariir iyo argagax ku dhaca carruurtii ay naagtani wadatay. Intii ay arki lahaayeen hooyadood oo la guhaadayo, la caayayo, la faraxumeynayo, la daroogeynayo ama la garaacayo waxay ka doorbidaan in ay cararaan, dawladu qaadato ama ay ehelo isu dhiibaan ka dibna waayaan daryeelkii hooyanimo iyo aabanimo oo ay duurkooda galaan noqdaana kuwo hadhow mujtamicii ku soo laba kacleeya oo waxyeelo iyo dhibaatooyin u geysta. Ogow noloshu waa meerto isku noqnoqota! Wixii maanta xumaada haddii aan hadda la toosin oo layska indho tiro ama maxaa iga galay ay kugu dhaafto isbaaro ayaa ku sugaysa wakhti aan fogeyn!

Waxaa la arkay dhibaatooyin badan oo ay geesteen ajaanibkii gabdhahayagu ay raaceen: Dilid joogta ah, Daroogo siin, Sharmuuteyn, Diin ka saarid!, Xardhid iyo biro ka lulid meel walba (tattoo), Si kasta iyo meel kasta ka isticmaalid! Hinaasid iyo maseyr iyo guhaad joogta ah, waalid iyo qaraabo warkeeda daa! Telefoon sooma dhici karo! iwm.

Haddaba maxaa ku kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma qalab weyn raadisbaa! Ma hab casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa! 

Mr. Muslim

Hadal is weydaarsigu waa intii sare oo kale iyo sida waalidku ugu farxayo in ay gabadhooda siiyaan nin shisheeya ah. Haddii uu cadaan indha buluugla ah yahayna warba kama taagna oo arooska kii Madoobaa loo dhigay baa lasii laban laabayaa. Waxaa dhacdaba in aan aroosba loo dhigin waayo ninkaaba la aroosayaa maadaama uu yahay nin haybad fiican leh! Markaa arrintu waxay ku dhamaanaysaa iska xaluulo gurigaaga ! iyo Naa iska aamus adigaaba nasiib leh oo helay nin Cadaan ah oo Muslim ah!

Markii la gaaray todobaad bixii oo ay gabdha badan oo wardoon ahi ay soo booqdeen gabadhii aroosada ahayd ayaa mar keliya lagu dhawaaqay: “Alla walaaley sidaanu anaguna ku helnaa ninkan oo kale oo sunadu ka muuqato”. Waxay ugu jawaabtay: “ Gabdhow nin Soomaaliyeed ka raystay! Waayo marka aad debecdid ee meel waliba huluuq, buluq, buluq ku soo tiraahdo ayuu naag kale oo giigsan kaa raadsanayaa”. Waxay uga sheekeysay gabdhihii kale in ninkan Cadi uusan indho aan iyada ahayn uusan lahayn: markuu guriga ka baxayo iyo markuu soo gelayaba waa Honey, Darling, Baby, Sugar. Haddaan debco iyo haddi kale waxaan u ahay Guduudo Carwo!. Aroosadii baa gabdhihii martida ahaa tustay liis dheer oo sugid ah (waiting list) oo ay ku qoran yihiin magacyada gabdhaha raadinaya wiilasha Cadaanka ah ee soo Muslima, waxayna u sheegtay in ay magacooda dabada ka raaciyaan!

Qosol iyo jaanta oo rago ayaa xigtay, kadibna gabadhii aroosada ahayd ayaa garba eeg iyo saacad eeg biloowday. Mar keliya ayaa sidii loo fadhiyey ay ku dhawaaqday: “ Alla nabadeey walaalayaal, kala carara wiilkii baa xiliyadan oo kale yimaada. Waa ajnabi oo kama helo buuqa badan, markaa anigu ma rabo in uu arko wuxuu dhibsanayo. Welibana guri hagaajis, uunsi iyo udgooneyn baa ii hadhay”. Gabdhihii baa yaabay oo ku yidhi: “ oo kaalay, waa maxay! Gabadhu waaba tolowdaye! Naa waa yahay hadhow baan ku soo wacaynaa”. Waxay u sheegtay in ninkeedu dhibsado telefoonka badan ee soo dhacaya oo aysan doonayn in ay soo wacaan.

Markii ay gabdhihii dibada u baxeen ayay xan bilaabeen: “ Cajaaib! Naayaadheheen, maxaa gabadha si ka ah? Mid kalaa qabsatay hadalkii oo tidhi: ‘ Gabdhow waxba ma ogidiine I dhegeysta! Ummada Illaahay waa kala qolo-qolo iyo kala dad. Intii isku degaan ahiba way is dabci, dhaqan iyo af yaqaanaan. Waxaan idiin sheegayaa in ay gabadhani qaadatay dhaqankii ninkeeda oo ay ka dhowrayso wixii uu dhibsanayo, kuna dedaalayso sidii ay u raali gelin lahayd. Mid kalaa tidhi Bal eeg waa xaamilo oo 9-keedii baa go’ay haddana har iyo habeen way shaqaynasaa waayo ma oran karto ninkeeda biil u dir dadkeeyga waayo dhaqan uu yaqaanaba maaha!. Ma soo warwareegi karto, telefoon cid uma diri karto, qof ay qaraabo ama asxaab yihiin ma salaami karto, aroosyada ma aadi karto si ay cadowgeeda u soo jebiso. Mid kalaa tidhi maxay kuugu taalaa waataas oo carruurtaas cad-cad bay dhashaye!

Haddaba maxaa ku kelifay dumarkan dhibtaa? Ma rag yaraanbaa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin jacayl baa! Ma qurux raadisbaa! Ma qalab weyn raadisbaa! Ma hab casriya raadisbaa! Ma luuqad barashaa! Ma sharci raadisbaa! Ma nasab raadisbaa! Ma faan raadisbaa! Ma ilbaxnimadaa sida ah! Ma iska caadiyoos baa! 

Mr. Midgaan 

Kulanka Midgaanka iyo gabdhuhu wuu soo gaaban yahay oo dooda dheer ee xaga sare ku taala ee bixinta gabadha laba gaari maayo inta badan. Waayo waxaaba yar gabdhaha la sheekeysanaya amaba dariiq la maraya nin Midgaan ah. Waxaa laga fogaanayaa 5 talaabo oo sidii in uu cadho qabo ama uu yahay karantiil baa layska ilaalinayaa. Haddii ay dhacdo in guur dhexmaro Gob isku sheega iyo dadka la dulmiyey waxaa lagu bilaabaa cadaawad iyo faquuqid. Waxaa wiilka ama gabadha guursatay Midgaha laga soo qaadaa qof xijaabtay oo waxaa loo dhigaa tacsi. Ilmahoodu awoow, abti, eedo, habaryar, ilmaadeer iyo qaybaha kale oo qoysku ka kooban yahay ma soo dhexgeli karaan. Hasa yeeshee marka uu Midgaanku darajo, sharaf iyo lacag Eebe ku manaysto wax dhib ah looma arko oo waa laga lufluftaa. Midgaan miskiin ah uun baa ba’ay!

Marar badan waxaa dhacda in dhamaan dadka ka soo jeeda qowmiyada la takooro rag iyo dumarba ay sheegtaan qolooyin kale si ay u helaan ictiraaf iyo in ay bulshada dhex galaan.

Waxaa ka dhacday Magaalada Minniapolis in gabadhi ay reerkooda aroos uga tumeen Soomaaliya iyadoo looga hambalyeynayo guurka ay guursatay Nin Mareykanka Madow ah. Muddo markii lays qabay ee laysu yeeshay ilmo yar ayaa maalin gabadhu ku dheeraatay ku hadlida telefoonka. Saacado badan ayay tororoklaynasay oo uu isna soo horfadhiyey. Markii danbe ayuu inta uu is hayn waayey oo uu is iloobay waxaa uun ka soo baxsatay: “ Yaakhey adiga Illaahay ka cabso oo telefoonka bes iska dheh”!

Gabadhii baa af labadeed yeedhay: “ Alla ileen wuxu Jareer buu ahaa! Waryaa Aabahaa was Adoon yahow I fur! Alla ba’ayeey ma anigaa Jareer I qabi karaa!

Telefoon bay badda de-deg u dul marisay oo la hadashay waalidkeed. Reerkoodii baa aad u xanaaqay kuna yidhi la socodsii ehelkaaga iyo qabiilkaaga ku agjooga deg-degna ha lagaaga furo! Xagee anaga iyo Jareer iska soo galnaa! Waa maxay meeshu wadaada ma joogaan miyaa! Naa iska fur haddii kale habaar baan kugu ogahay! Ma la Ba’ay!

Waxaa kaloo aad ka akhrisan kartaa qisada caanka ah ee ku qoran buuga uu qoray Ahmed Mohamed Diiriye ee lagu magacaabo “Ma abaal gudee Waan aar gudaa”! ee lagu daabacay Qaahira 1997. Qisadu waxay ahayd sidan:

Oday Soomaali ah oo ku noolaa Jarmalka ayaa guursaday gabadh Jarmal ah una dhashay gabadh. Sanooyin kadib oo ay gabadhu qaangaadhay ayaa nin Soomaaliyeed wadankii waxbarasho uga yimid. Wuxuu dhiganayey jaamacad ku taala Magaalada uu joogay qurbaawigii hore. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labadii nin wada kulmeen, mise saaxiibo hore ayay ahaayeen. Waa layku soo booday, kadibna wuxuu keenay gurigiisii oo reerkii oo dhan buu baray una sheegay in uu yahay saaxiibkiis ay hore isu aqoon jireen.

Wuxuu wiilku iman jiray xaafada marka uu fasaxa yahay oo soo bariidin jirey. Waxaa dhacday in ay reerkii ka heleen wiilkii waayo wuxuu ahaa mid asluub iyo akhlaaq badan quruxna Eebe siiyey. Gabadhii reerka ayaa wiilkii iska caashaqday, kadib marka uu reerka yimaado ayaa waxaa la arkaa aabihii oo wejiga u bedelaya wiilkii una careysan!.

Marka la weydiiyey waxa iska bedelayna wuxuu hadalka ku jaraa waxba. Maalintii danbe ayuu u adkeysan waayey gabadhiisa oo wiilka aad ugu sii dheereynasa, markaasuu ku yidhi gabadhii: “ ka har wiilkan oo dib danbe ha ula qoslin, ha ula socon, kugumana arki karo agtiisa”!. Reerkii baa garan waayey meesha ciladu ka jirto. Waxaa loo sheegay in wiilkani aad uu u akhlaaq wacan yahay ayna ku qanacsan yihiin in uu gabadhooda la socdo. Mida kale ayay yiraahdeen waxaad wada tihiin isku dad iyo isku jinsi oo horena waabad isku taqaaneen! Maxaa ku haya? Bal wuxuun noo sheeg!

Aabihii baa afka furtay oo iska ooyey: “ Naa ninku waa Midgaan, Waa Midgaan! Waa nasab dhiman! Isma guursano! Ma geeyo hablahayaga!. Gabadhiisii iyo Xaaskiisii baa Illaahay yaab u keenay waxayna fahmi waayeen waxan uu ka hadlayo. Waxaa soo shiray haweentiisa reerkoodii bal si ay u ogaadaan, una xaliyaan mucjisadan aysan weligood arag. Waxaa Aabihii la xasuusiyey in uu caqli yar yahay oo uu qabo naag ka dhalatay qowmiyada Jarmalka oo dadka madowba u taqaana Daanyeero! Waxaa la xasuusiyey in ay u hayaan ixtiraam oo ay tixgeliyeen jacaylka walaashood markii ay isaga guursanaysay! Waxaa loo sheegay in wiilkan ay isku jinsi, diin iyo dalba yihiin! Waxaa lagu soo afjaray gabadhaada haddii ay jeclaatay ninka ha ka hor istaagin sidii aanu anaguba aanan kuugu diidin walaasheen!. Aabihii oo aad moodid in geeriyi ku timid ayaa meeshii looga dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya: “ Ma fahmaysaan waxa I gubaya! Bal Midgaan ha kula xidido oo gabadhaada ha guursado!

Haddaba maxaa ku kelifay Ajiga dhibaateynta walaalahood?

Ma jinsi kalaa! Ma diintaa faraysa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa! Ma jaahilnimaa!

Mr. Soomaali 

Hadalkii bay gabdhihii sii wateen iyagoo wadooyinka waaweyn marba gees u goynaya qayladoodana laga maqlayo futa biciid! -- Qayla iyo bulaan dheeraa Yaahoo!. Mid baa lahayd dumaroow waxaan filayaa in ay khaldan tahay sida aanu ula dhaqano ragga Soomaaliyeed oo haddii aanu sida gabadhaas oo kale aanu ha dhicin ha jabin aanu odhan lahayn in ay nacnac ahaan lahaayeen. Laakiin Subxaanalaahiye maxaynu ku sameynaa:

Carruuta garaac si aad u daandaansatid, markuu kula hadlana kasha xawaashka soo qaado oo kuleetiga ku dheg adigoo firimbiga ka ci’ dheerna dhowr goor ku celceli warqadii dhig! Madaxayga dhig! I fur right now!. Haddii uu kaa aamuso oo uu far kuu qaadi waayana sii wad bulaanka, dagaalka ilaa derisku maqlaan oo ay u yeedhaan booliska ama uu xanaaqo oo gacani kaa soo gaadho ka dibna waa la yaqaan 3-dii xaraf-- 911! iyo catowga: Ma nin baa la waayey! Yaa raba belaayadan qombobsan ee caloosha dheer oo weyda ah! Waxaa la helayaa mid maroodiya oo kor iyo hoosba ka weyn! Foori waryaa! 

Mid kalaa gabadhii hadalkii ka boobtay oo tidhi: “ Naa hooy cagta dhig! Nin Soomaaliyeed waa la yaqaan oo intuu booyaaso kaa dhigto, sanad walbana mijini gashay mijini baxday uu kaa dhigo buu hadhowna mid kale kaa raacayaa. Hala ogaado in dhaqaalaha laga curyaamiyo oo hogaanka loo hayo si uusan u qooqinba. Anigu kolay naag baan ahaye ninkaygu xataa kor iima soo eegi karo oo tababar fiican buu qabaa: Habeenkii markay tahay saqda dhexe baan aroos iyo Baadhi(Party) aadaa oo marka uu waagu walalac yiraahdo baan ka soo noqdaa iyadoo cashadeydii iyo cabitaankii isu kay dulsaaran yihiin. Isagaa carruuta haya, u qubeeya, Xafaayada ama Dheebarka(Diaper) ka nadiifiya, cuntada kariya. Nin Soomaaliyeed waa sidaas mudankiisu! Waa in uusan hawoon oo sidaa xiniinyaha loo hayaa!

Gabadh ka mid ahayd gabdhaha oo dhaqan wanaag ka muuqday ayaa u jawaabtay oo tidhi: Walaashey soo dhowoow, war lagu sii. Horta ogow ninka alaabtiisa uurka hooyadiis buu kala soo dhacay ee adigu umaadan samayn. Ta kale, maxaad uga cararaysaa oo aad u khilaafaysaa kitaabkaaga sharafta leh ee aad fikrado kale oo dadka amraya in ay naag keliya guursadaan aad ugu riyaaqaysaa. Kutub Eebe soo dejiyey oo dhigaya ragow naag keliya ku ekaada ma jiro sow ma ogidiin! Dadyowga aad fikirkaa ka qaadateen waxay leeyihiin naag keliya iyo 100 naagood oo saaxiibo ah markaa ma waxaad leedahay ninyahow saaxiibo badan yeelo oo keligay I qab!. Mase ogtahay in dumarka qurbaha joogaa ay naftii ka baxday oo buufis, kaadi macaan, kaadi sokorow, murqo iyo lafo xanuun laga saari waayey! Wallaahay waa runtaa walaaley bay hal mar wada yiraahdeen!

Haddaba waxaan idiin sheegayaa bay tidhi sirta nolosha ee dhegta ii soo dhoweeya: “Ogow gabadh kale oo walaalshaa ah oo aad isfahmaysaan hadday wax kula qaybsato oo aad isku meel degtaan in aad raaxo iyo nolol wanaagsan ku noolaanaysaan”!. Ilmo wada korsi, wada xoogsasho, Buufis iyo cudur la’aan, soo warwareeg iyo dalxiis badan, dhaqaale iyo lacag urursi fiican! Maxaad ka weydeen oon raaxo ahayn!. Mar keliya ayay cirkaa ka dhawaaqeen: “ Alla ku hooji! Bal eeg waxay nagula talinayso! Allow ha I joojin dhacdadaas oo kale saa madaxaaba iskay daba mari lahaaye.

Gabadhii baa hadalkeeda sii wadatay oo xasuusisay kuwii kale in ragga Soomaaliyeed yihiin ragga keliya ee dunidan ku nool ee ay naaguhu guhaadiyaan(abuse) oo sidey doonaan ka yeelaan marka laga reebo Ragga reer guuraaga iyo Geeljiraha Soomaaliyeed oo iyagu adadeyga, garaaca, iyo ku shaqaynta dumarka u arka raganimo! Dumarka reer guuraagu iih iyo aah midna ma leh: way kariyaan, koriyaan, dhisaan, raraan, xoolaha raacaan inta qowsaarkii qabay uu tuulooyinka qaad la fadhiyo ama uu harqoodaalka jiifo! Kaasi waa nin la mood, kuwa la nooc ahna qurbaha waa laga helaa. Laakiin guud ahaan nimanka Soomaaliyeed xajista yaan laydinka fahmine ayay ku soo gabagabeysay.

Meel dhexe markii la marayo oo loo dhow yahay xaafadii la deganaa ayaa waxaa ku soo lug darsatay naag Cadaan ah. Kadib markii lays bariidiyey ayay naagtii cadeyd weydiisay in ay shaqo ka yimaadeen. Waxay gabdhihii ugu jawaabeen in ay maanta fasax yihiin, qaarna ay saaka soo shaqeeyeen. Waa laysa sii wareystay oo dhaqanka Soomaaliga laga sheekeystay. Waxay u sheegeen in aysan dumarku badanaa aysan shaqayn oo raggu ay soo shaqeeyaan-- kirada, cuntada, biilka reeraha wadankii jooga, dahabka iyo aradka iyo wax ka sii badanba ay ragga dushiis tahay. Naagtii baa hadli kari weyday yaab dartii markaasay weydiisay in ay daacad ugu waramaan oo ay joojiyaan kaftanka. Kadib markii lays dhaarsaday ayaa wuxuu noqday hadalkii ka soo yeedhay: “ Alla maxaan nin Soomaaliyeed u guursan waayey!” Gabdhihii baa qosol gariir ku dhuftay Ihiiii, IhiiIhiii!!!

Haddaba maxaa ku kelifay dumarka Soomaaliyeed dhibaateynta ragooda? Ma rag Soomaliyeed nacaybaa! Ma jinsi kale jacayl baa! Ma xoola raadisbaa! Ma diin nacayb baa! Ma Eebe ka fogaanshaa! Ma ilbaxnimo dhaaf baa! Ma quudh dareysibaa! Ma ciniin u arkid baa! Ma xaasidnimaa! Ma faan raadisbaa! Ma iska caadiyoos baa! 

 CAJABAYEEY YAA SOOMAALI U CIIDAMIYA!
Qeys xashi Gutale 

BALLANTII AJIGA IYO IBLAYSKA!!

Wuu booday oo cirkaasuu soo taabtay, waa wax aanan garanayne mar keliyuu mashriq iyo maqriba isu maray. Aad isagoo u xanaaqsan buu yidhi: “ Waayo hore ayaa noogu danbeysay maqalka Alfabeetada Soomaaliga oo aanu ka seexan weynaye yaa wada Ololaha Far Barashada ee soo cusboonaaday?” Si wanaagsan buu u dhegeystay mise dhawaaqu farbarasho maaha ee waa taah, caloolyow iyo Alla Bari uu saqda dhexe gacmaha kor u taagayo Xaaji Mohamed. qofkii baa isagoo socda u yimid Xaajiga si uu u ogaado dhibka haya. 

Qofkii: Salaam Yaa Xaaji? 

Xaaji: Wacaleikum Salaam! 

Qofkii: Xaaji maxaa ku haya ee aad la soo jeedaa? 

Xaaji: Horta adigu kumaad ahayd? Adigaabaa Xilli xun socdee? 

Qofkii: Xaajiyow waxaan ka mid ahay ummad idinka qarsoon oo aydan arkin! Waxaan ahay walaalkaa oo Muslim ah, magacayguna waa C/Llaahi. Waxaan xasuustay waagii dawladii hore ay waddanka ku waday farbarashada ee meel walba lagaga dhawaaqayey: AA, EE, II, OO, UU. Waxaanu nahay xoolo dhaqato sidiinoo kale, markaa argagax iyo anfariir baanu ka qaadnay oo waxaanu u malaynay in cudur xumi wadankii soo galay oo ay ummaddu wada taahayso! Naxdintii waagii baa qalbigayga aan weli ka go’in, laakiin waagii ka dib ma maqal caawa ka horow ee maxaad la taahaysaa! 

Xaaji: Waxaan kuu gartay inaadan 5 faroodle ahayn laakiin aad Muslim tahay! Soo dhowoow, magacayguna waa Xaaji Mohamed. Jiniyow adigaaba shan faroodlaha dhaama haddii aadba i weydiisay dhibta i haysa. Jiniyow waxaan ka dhashay qowmiyad la dhibo oo la yaso oo magacyow badan loogu yeedho. Waxaan galabsanayna garan mayno!  

C/llahi: Walaale waa runtaa oo Jini waan ahay, laakiin magacayga iigu yeedh! Midda kale adigu sow Xaaji ma tihid oo Xajkii maadan tegin? Sow Ummadan aad ka dhalatay Islaam maaha? 

Xaaji: Haah Boqolkiiba boqol! 

C/llaahi: Wixii aan farbarashada moodayey ma cabasho Eebay ahayd? 

Xaaji: Haa Walaale! 

C/llaahi: Wallee dulmanaha Eebe ducadiisa sooma celiyo! Wallee Eebe ducada saqda dhexe waa aqbalaa, marka inta kale ay khuurinayso! Haye, bal Xaajiyow warka isii! maxaa laydinku sameeyaa? maxaa dhib ah oo laydiin geystaa? 

Xaaji: Walaale ma doonayo anigoo da’dan ah in aan ilmeeyo! Waxaanse kuu sheegayaa in aanu karantiil nahay oo aanu dadka kale ka takooran nahay: aflagaado, cay, quudhsi, dhac iyo boob, diyo la’aan, dhul la’aan, guur la’aan iyo wax kaloo..hiih!..hiih....! 

C/llaahi: Bismilaahi! Walle ciroole caabid ah waxa ka oohisiiyey ayaaba dhib ugu filan dadkan aad ka hadlaysid! laakiin Xaajow maxay sidaa idiinku gelayaan? 

Xaaji: Gob baanu nahay oo waanu idinka sareynaa idinkuna Gun baad tihiin Midgo’ ah oo waad naga hooseysaan, kabaha noo tola, anaga nagu abtirsada, qaadhaanka nala bixiya, dhul iyo diyana ma lihidin, Geela noo raaca, Gabdhahayagana ma geysaan! 

C/llaahi: inta uu cirkaa u booday oo dhogori ka kacday buu ku qayliyey: “Subxaanalaahiye waa sheekadii Iblays samada looga soo eryey markii uu diiday in uu Adam u sujuudo! Iblays hadalkiisii bay ahayd Anigaa Adam ka laandheereysan oo dhoobaad ka abuuratay anigana Dab holcaya ayaa layga sameeyey!. Xaajiyow Iblays ayaa bilaabay asal ku faanka, waxaana la yidhi wuxuu sameeyey isbarbardhig asalka Adam iyo Kiisa. Dhamaan dadka sanamyada iyo quraafaadka maanta caabudaana isbarbardhigaas ayay kala wadaagaan Iblayskii bilaabay. Miyeysan dadkani akhriyin Quraankooda iyo wada hadaladii dhexmaray Eebe iyo Iblays. Iblays baa amarkii Eebe diiday ka dibna waa lasoo nacladay oo la soo eryey loona sheegay in uusan Malaa’ikta ka mid ahayn. Iblays wuxuu dhaar ku maray in uu dadka Eebe rumeeya dhinacwalba uga iman doono oo uu Isbaaro u dhigan doono. Markaa waxaan filayaa in kuwani ay raaceen jidkii Iblays ayuu ku hakaday C/llahi. Waana kuwan aayadihii ka sheekeenayey dhacdadaas.

The Noble Qur'an Al-A'raf 7:11-27

11. And surely, We created you (your father Adam) and then gave you shape (the noble shape of a human being), then We told the angels, "Prostrate to Adam", and they prostrated, except Iblîs (Satan), he refused to be of those who prostrate.

12. (Allâh) said: "What prevented you (O Iblîs) that you did not prostrate, when I commanded you?" Iblîs said: "I am better than him (Adam), You created me from fire, and him You created from clay."

13. (Allâh) said: "(O Iblîs) get down from this (Paradise), it is not for you to be arrogant here. Get out, for you are of those humiliated and disgraced."

14. (Iblîs) said: "Allow me respite till the Day they are raised up (i.e. the Day of Resurrection)."

15. (Allâh) said: "You are of those allowed respite."

16. (Iblîs) said: "Because You have sent me astray, surely I will sit in wait against them (human beings) on Your Straight Path.

17. Then I will come to them from before them and behind them, from their right and from their left, and You will not find most of them as thankful ones (i.e. they will not be dutiful to You)."

18. (Allâh) said (to Iblîs) "Get out from this (Paradise) disgraced and expelled. Whoever of them (mankind) will follow you, then surely I will fill Hell with you all."

Wuxuu C/llaahi sii raaciyey in ay arrintani tahay xaajo aad u fool xun oo Ummadaada caqiidadeeda fasahaadisay! Waxaan isaga qaatay kaftan marka ay deriskaygu ka sheekeysanayaan dhibaatooyinka ay u qurxiyeen Soomaalida! Cajiib!.

Xaaji: Deriskee baad ka hadlaysaa? 

C/llaahi: Xaajiyow meel cabaar noo jirta ayaa har iyo habeen bulaan ka dhacaa! marna waa la ooyaa, marna mashxarad, alalaas iyo durbaan tun baa ka dhaca. Marka farxadu meeshaas ka dhacayso aniga iyo tolkey waanu oynaa! marka ay oohintu ka socotana waanu Alla Barinaa oo faraxnaa! Meeshaas waxaa degan Sheydaamo gaalo ah, mid walibana Lambar buu leeyahay. Subixii marka indhaha la kala qaado ayey sidii arigii u foofaan. Waxaa uu Kaaba Qabiilkoodu ka sii daba tuuraa guubaabo iyo in aysan soo noqon iyagoo wada war farxad leh: Dil, Kufsi, Dhac, Gaaleyn, Zino, Tuugo, Furiin, Taarik salaad, Been, iwm.  Shaydaan walba wuxuu u kallahaa qofkii lagu qoray maalintaa, haddii uu soo noqdo isagoo qiiqaya oo quraan, acuudu bileysi iyo dikri lagala soo daalayna habeenkaas waa wada yuusid iyo oohin, haddii uu kasoo adkaado qofkii loo dirayna waa Alalaas iyo farxad!

Xaaji: Waa runtaa walaale sheydaankii Eebe nacladay bay daba hashleeyeen! 

C/llaahi: Laakiin Xaajiyow waan yaabanahay! Waayo waxaa xoogaa noo jirta tuulada yar ee Shanfaroodley. Waxaa loogu magacdaray haweeney ahayd Insi oo guursatay Nin cidahayaga ah. Naagtii wey dhimatay (Allaha u naxariistee), waxay inta badan oran jirtay markay aragto waxay dhibsato ama xanaagdo; “ Midgaanyahow, awalba Midgaan baad ahayd”. Ilaa iyo hadda Carro Jinni waa meesha keliya ee laga isticmaalo ereyadaas! 

Xaaji; Waa yaab! Waaba sheeko ii dhimanayd in Jinniguna uu isticmaalo Midgaan marka uu arko ama maqlo wuxuu dhibsado. Waa yaab Ajigu qaraabaysi badanaa: Cadaan, Jameykaan, Madow, Carab, Indhayar, Calibeysteen iwm. Midgaanka uun buu ajigu hangool(saalimow) isaga hayaa! Yaab, xataa Ajigu jinni qaraabeysay! Tolow Jiniga ma yarad buu ka qaatay! Tolow anaga keliya maxaa nagu diray oo aanu ka galabsanay! 

C/llaahi: Walaale iska seexo inta aan Fajarka la gaarin oo iska sabir sabraa sad lehe! 

Xaaji: C/llaahiyow ma xasuusataa xadiiskii nebiga ee ahaa ruuxii gabdho dhala ee ku samra ee wax bara, edbiya una guuriya qof ay ka raali yihiin akhlaaqdiisa iyo diintiisa janaduu gelayaa”. Markaan soo xasuusto xadiiskaas walaalow waan ooyaa waayo waxaa ii jooga ilaa 3 gabdhood oo qurux badan oo aan ku soo tabcay oo gaan gaaray. Laakiin nasiib daro cid guursanaysa ma leh! Cidna eegi mayso quruxdooda, diintooda iyo akhlaaqdooda ee waxaa lagu nacay in ay Midgaan, Tumaal, Boon iwm yihiin. Markaa walaale Illaahay baa dadka wax u kala xukmin doona!. 

C/llaahi: isagoo ilintu ka da’yaso ayuu af qalaad ku yidhi Yoosow Maasaa! Yoosow!. Mise markiiba nin haybad leh oo duub weyn oo wada fiyoore leh madax ku wata ayaa soo ag fariistay!. C/llaahi baa u sheegay Xaajiga in uu ninkani yahay Kaaba Qabiilka beeshooda lana yiraahdo Maskax Maalik. Waa lays nabdaamiyey, kadibna hadalkii buu u baxay. 

Maskax Maalik: Xaaji waa nasiib darro, waa diin la’aan, waa camal shaydaan waxa ay idinku sameynayaan Ajigu. Haddii Eebahay waaga noo beryo waxaan aadaya dhamaan dhulka soomaali degto si aan ugala soo xaajoodo Garaadada, Malaaqyada, Ugaasyada, Weberka, Salaadiinta iyo Boqorada in ay Eebohood ka baqaan oo ay ka soo noqdaan wadadan xun. Laakiin Xaaji, wiilkeygow, ogow in Kaaba Qabiilka Ibleyskuna uu tartan igula jiro oo uu isna dhiniciisa ka shirin doono oo u qudbeyn doono! Laakiin waxaan filayaa in Garaadku shaqayn doono oo la kala saari doono xaqa iyo xaq darada. Waagii baa walalac yidhi, Maskax Maalik wuxuu maalintaasoo dhan ku mashquulsanaa shirar kala duwan oo uu la yeeshay Madaxya Weynta beelaha kala duwan ee Ajiga ah ee ku dhaqan dhamaan geyiga soomaaliyeed. Wuxuu isagoo luudaya salaada makhrib ka dib ku soo habsaday aqalkii Xaajiga oo C/llahi iyo Xaajiguba tusbaxa rogayaan! Markii lays nabdaadiyey ka dib ayuu Maskax iska ilmeeyey isagoo madaxa gees walba u ruxaya! 

Xaaji: Maskaxow maxaa kaa si ah? Maxaadse war ii wadaa?

Maskax: Xaaji waxaad ku maahmaahdaan “ Ruqa ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo”. Xaaji Eebahay ha idiin naxariisto adiga iyo dadkaagaba waayo waxaad Insi iyo Jinba ka haysaan dad is dhaafsan oo adduun iyo aakhiro aan midna xeerinayn! Xaajiyow Eebe ayaa na kala qariyey mooyee waxaan aad u jeclaystay in aad nala beel noqotid oo aad ka raysatid dhibaatada laydinku hayo ee ay Maatada iyo Madaxyaweyntoodu isku raacsan yihiin. Markiiba Insi baa lay mooday oo lay weydiiyey cida aan Odayga u ahay, ka dibna markii afkayga laga maqlay Midgaan, Madhibaan, Tumaal, Yibir wixii iga raacay Eebe uun baa xisaabin kara.

C/llahi: Walaale Eebahaaga talo saaro oo Illaahaaga u sabir

Xaaji: Kheyr Allaha idin siiyo. Waxaad sameyseen wax Shanfaroodluhu wax ku qaadan doonaan hadday caqli leeyihiin

Maskax: Caqliaa!, Caqliyoow ba’! Xagee cagli jiraa, hadday caqli leeyihiin ma Masiibadan oo kaley fiirsan lahaayeen! Magacooda ayaaba Masuba ah waana garan la’ yihiin!. Bal ila eega: Waa Malaaq(ma), suldan(su), Boqor(ba) Ugaas(u), Garaad, wabar(wa). Maxay noqotay 

MASUBA U GARAAD WA!

Fadlan iska ilooba xumaantaas diintiina darteed

Qeys


Masawirka qeys xashi Gutale


Album kaan waxaa iskaleh Qays Gasshi Gutale.